Sargaal Sare Oo ka Tirsanaa Ururka Taalibaan Oo Lagu Dilay Afghanistan

Saraakiil ka tirsan dowladda Pakistan ayaa sheegay in xubin sare oo ka tirsan ururka Talibaan ee Pakistan Muxamed Khurasani lagu dilay bariga Afgaanistaan.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay inay wali isku dayayaan inay ogaadaan sida uu u dhintay Muxamed Khurasani, kaasoo muddo badan soo ahaa af-hayeenka ururkii hore ee Taalibaan ee Afghanistaan, waxuuna Khurasaani uu marar badan beeniyay inuu ku lug lahaa dilki 2014-ki loo geystay ku dhawaad 150 arday oo iskuul lagu dhex dilay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Islamabad ayaa sheegay in Khuraasaani uu maamuli jiray xero dagaallamayaasha Taalibaan lagu tababaro oo ku taalla gudaha dalka Pakistan.