Saraakiisha Itoobiya Oo Shaacisay Inay Qabteen Kontenar Hub ah Oo Uga soo Gudbay Dhinaca Jabuuti.

Saraakiisha sirddoonka Itoobiya ayaa telefishinka dowladda u sheegay inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsato hubka sharci darrada ah, sida laga soo xigtay warbaahinta.

Hubkan ayaa qiimahiisa lagu qiyaasay 13 malyan oo doolar, waxaana ku jiray ilaa 18,000 kun oo bastooladood.

Saraakiisha ayaa waxay ka dhawaajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga shakisan yahay hubka, labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen Suudaan.