Saraakiisha British-ka Oo Tababar Milateri U soo Xiray Xiidamada Xooga Dalka.(Sawiro)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur galbeed oo tababar u soo xirey cutubyo ka tirsan Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .

Waxaa maanta xerada tababarada dowlada UK ee Magaalada Baydhabo tababar loogu soo xirey Ururka 47-aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed

Waxaana munaasabada xiritaanka tababarka ka qey galay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo Ku simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS Dr. Cali Siciid Faqi, Wasiirka Amniga KGS, Isxaaq Cali Subug, Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jen. Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada KGS Cabdullahi Cali Watiin, Taliyaha howlgelinta ciidamada qeybta 60-aad Gaashaanle dhexe Xasan Ibraahim yarowiyo Mas’uuliyiin kale.

Inta ay munaasabada socotay waxay ciidamadu goobta ku soo bandhigeen gaado ka ciyaar, iyo dhoolaltus Military.

Waxaa qaarkood maanta la gudoonsiiyey bilado ay ku kala guuleysteen dhinacyada shiishka Aqlaaqda, miino aasida iyo habka loo tuuro qoryaha hoobiyaha.

Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Jan. Maxamed Shiikh Cabdullahi (Ciirow) oo ka hadlay xiritaanka munaasabada ayaa ku dheeraadey dardaaran uu u jeediyey ciidamada tababarka loo soo xirayey.

Wuxuu ku dhiirageliyey iney u istaagaan Difaaca dadka iyo dalka iyo ciribtirka wax uu ugu yeeray kooxaha Nabadiidka ee baneystey dhiiga Walaalahooda.

Dr. Cali Siciid Faqi ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS ayaa mahad-celin ballaaran u jeediyey Saraakiisha ciidamada UK ee had iyo jeer tababara ciidamada qeybta 60-aad iyo Macalimiinta dugsiga tababarka ee Magaalada Baydhabo.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafey ururkaan 47-aad ee qeybta 60-aad waxaa u socdey tababar ciidan oo dhan walba leh, waxaana ciidamadaan loo Tababarey dhinacyada Shiishka, Miino baarista , Miino’aasida, hagida iyo tuurida hoobiyaha iyo sidoo kale casharada kale ee ciidan.