Saraakiil Iyo Odayaal Laga soo Badbaadiyey Hotel Afrik iyo Al-Shabaab Oo Shegatay.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa Saraakiil Ciidan iyo ganasato kasoo badbaadiyay Qaraxa ka dhacay Hoteelka Afrika ee Muqdisho.

Saraakiisha Ciidan ee laga soo badbaadiyay waxaa ka mid ah Generaal Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka.

Waxaa Ciidanka sidoo kale ay kasoo badbaadiyeen hoteelka Odayaal la sheegay in uu shir uga socday goobta.

Wali waxaa laga maqlaya gudaha hoteelka rasaas xoog leh, waxaana dagaalamayo ciidamada Dowladda iyo maleeshiyada Hotelka Gudaha u galay.

Waxaa goobta lasoo weeraray soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Al- Shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen Hotel Africa oo ku yaal meel aan ka fogeyn bar koontarool oo laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.