Sacuudiga Oo Shaaciyay Qofkii Ugu Horeeyay Ee U Dhinta Corona-virus.

Saudi Arabia ayaa shaaciyay dhimashada qofkii u horeeyay ee u geeriyooda coronavirus, kaas oo noqday 51 jir u dhashay Afghanistan oo dalkaas sucuudiga ku noolaa.

Afhayeenka Wasiirka Caafimaadka ee Saudi Arabia Mohammed Abdelali ayaa sheegay in shimashadan ay dhacday habeenimadii Isniintii kana dhacday magaalda Barakaysan ee Medina, caafimaadka ninkana uu si xun hoos ugu dhacay kadib markii la geeyay qaybta gargaarka degdega ahna uu geeriyooday.

Boqortooyada Sucuudiga ayaa diiwaangalisay 205 Kiis oo corona ah, taas oo kiisaska caabuqan ee Khaliijka ka dhigaysa 2,100, dadka ugu badan ee uu haleelayna ay ka soo jeedaan dalalka Saudi Arabia iyo Qatar.

Ilaa hada Khaliijka waxa covid-19 ugu geeriyooday 6 qof oo ay sedex ka mid ah u dhasheen dalka Bahrain, labana u dhalatay Imaaratka iyo qofkan u dambeeyay u dhashay Sucuudiga.