Sacuudiga Oo ka Qayb-galaya Isbaheysi ka Howlgala Biyo Mareeno Gacanka Cumaan.

Sacuudiga ayaa sheegay in ay ku biirayaan isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka,si loo sugo amniga biyo marinada caalamiga ah ee Bariga Dhexe,ka dib weeraro lagu qaaday goobaha laga soo saaro saliidda shiidaalka.

Sarkaal u hadlay Warbaahinta dowladda dalka Sacuudiga aya xusay in Boqortooyada ay shaacisay in ay ka qeybgalayaan Dhismaha Amniga Caalamiga ee Badaha,iyadoo howlgalada ururkaasi ay horay ugu jireen Australia, Bahrain iyo Boqortooyada Dalka Ingiriiska.

Mareykanka ayaa aas-aasay isbaheysi dalal dhowr ah ka dib kolkii la weeraray maraakiibta xamuulka ee qaada shiidaalka,taas oo saraakiil Mareykan ah ay ku eedeeyeen in ay ka dambeeyaan dalka Iiraan,halka dalkasi uu isna beeniyay in uu wax lug ah ku leeyahay weeraradaasi.

wasiirka tamarta ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in Boqortooyada ay dhamaadka bisha soo celin doonto wax soo saarka saliida shiidaalka ee lumay.