Rwanda Oo Dalkeeda ka Mastaafurisay Baadari Mayraykan ah.

Dawlada Rwanda ayaa dalkeed ka mastaafurisay Baadari u dhashay dalka Mareykanka, kaasoo Isniintii lagu xiray dalkaasi.

Agaasimaha guud ee hayada socdaalka Rwanda Regis Gatarayiha ayaa xaqiijiyay in baadari Gregg Schoof dalka laga tarxiilay, iyadoo lagu eedeeyay Baadariga inuu kulan sharci darro la yeeshay weriyeyaasha.

Wadaadka ayaa la sheegay inuu doonayay inuu dowladda ku dhaleeceeyo damintii loo geeystay xaruntiisii raadiyaha iyo kaniisaddii uu maamulayay, waxayna dawlada raadiyahaasi lagu magacaabayay Grace ka mamnuucday dalka sannadkii hore ka dib markii uu baahiyay khudbad lagu sheegay in dumarka ay yihiin sheydhaan.

Dhinaca kale boqolaal kale oo kaniisado ah ayaa la xiray bishii Febraayo ka dib markii ay ku guul dareysteen inay buuxiyaan shuruudahii laga doonayay.