RW Rooble Oo Ka Hadlay Carqabadaha Haysta Doorashada Kuraasta Gedo Iyo Somaliland.(Sawiro)

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u soo gudbiyay Warbixinta howlihii u qabsoomay iyo talo soo jeedintooda la xiriirta xal u helista arrinta Gedo.

Afhayeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen waajibaadkii loo igmaday.

“Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka, isaga oo jeediyay khudbad taabaneysa dhinacyo kala duwan kadib munaasabad uu kaga guddoomay Guddiga Dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, talo soo jeedino ay u ku talinayaan si ay doorasho uga qabsoonto Garbahaareey” ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan halkan uga xaqiijinayaa in maanta ay harsan tahay oo keliya in madaxweyne Axmed Madoobe uu wareegto ku soo saaro maamulka degmada Garbahaareey oo magacyadii la ii soo gudbiyay, anna uu u gudbin doono madaxweynaha,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Rooble.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay arrinta doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi, isagoo sheegay in wadatashiyo uu la leeyahay guddoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ra’iisal wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed.

Guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa socdaal shaqo ku tegay magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, halkaasi oo ay kulamo kula qaateen qeybaha bulshada, waxaana ay socdaalkooda ku soo gabo gabeeyeen magaalada Kismaayo oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.