RW Rooble Oo Caawa Kulan la Qaatay Madaxda Puntland iyo Jubbaland.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam .

Kulankan dhax maray Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa looga wada hadlay qabanqaabada shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa madaxdan uu la kulmay sidoo kale kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan isku daygii dhawaan la doonayay in lagula wareego xafiiskiisa.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey taageero iyo garab istaag ugu muujiyay Ra’isul Wasaare Rooble oo khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo oo kasoo horjeeda shirka gollaha wadatashiga ee ka furmaya Muqdisho.