RW Geedi-gii Hore Uga soo Horjeeday Maqaamka Muqdisho Oo Maanta U Dagalamaya.

Cali Maxamed Geedi waxa uu xusay in maqaamka magaalada Muqdisho uu ka soo shaqeeyay sidii loo dhisi lahaa maqaamka Muqdisho xilligii uu Ra’iisul Wasaare ka ahaa dalka.

“Kuwii shalay diidanaa Maqaamka inay hadda yiraahdaan waa in la dhisaa maqaamka ma aha mid sax ah.”ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo ka tilmaamay raggaas Madaxweynayaashii hore ee Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud.