Rooble Oo War kasoo Saaray Go’aankii Lagu Laalay Kuraasta Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal kuwaas oo ay dib u celiyay kuraas ka mid aheyd doorashada Gollaha Shacabka.

Waxaa sheegay in la qabtay oo aan loo marin habraacii saxda ahaa isaga oo sidoo kale ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.

Waxaa uu xusay in aan laga aqbali doonin guddiga in ay ku takri falaan oo ay ku milmaan madaxda maamul goboleedyadda.

Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa sheeg in la laalay doorashadii labo kursi oo dhowaan lagu doortay magaalada Baydhabo.

Kuraasta lalaalay ayaa kala HOP103 iyo HOP154, waxayna sheegeen guddiga in dib loogu celinayo doorashadooda kuraastaas.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in kuraas laga soo doortay Galmudug dacwad laga soo gudbiyay iyagana baaristooda ay socoto.

Labadda Kursi ayaa horay waxaa ugu fadhiyay xildhibaano Sareedo Maxamed oo dib loo doortay iyo Gudoomiyihii hore golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo loo diiday in uu tartamo, waxana kursigiisa kusoo baxay Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Cali.

Guddiga Doorashooyinka Federaalka ayaa gebi ahaanba laalay habraacii doorashada Aqalka-sare ee Somaliland ee ay horay u qorteen Raysal Wasaare ku-xigeen Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddiga ayaa sheegey in habraacaasi uu keliya ku koobnaa Aqalka-sare isla markaasna Golaha Shacabka Somaliland lagu maamulayo habraac lamid ah maamullada kale.