Rooble Oo Arimo Muhiim ah kala Hadlay Agaasimaha Bangiga Adduunka.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Geeska Afrika Mr. Keith Hansen iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Rooble iyo Agaasimaha Bangiga Aduunka ee Geeska Afrika ayaa kulankooda waxa ay uga wada hadleen dardargelinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka fuliyo Soomaaliya iyo kuwa qorsheysan.

Ra’iisul Waaaaraha Soomaaliya Rooble ayaa uga mahadceliyay Bangiga Adduunka taageeradiisa hay’adaha dowladda iyo horumarinta midaamka maaliyadeed ee dalka iyo taageerada uu siiyo Soomaaliya.

Bangiga Aduunka ayaa maalgeliyay mashaariic badan oo qeybo kamid ah dalka laga fuliyay, waxaana hada qorsheesan mashaariic dhoor ah oo la filayo in uu maalgaliyo bangiga aduunka .