Ra’isul Wasaare Rooble Oo Musharaxii Labaad Oo kasoo Jeeda Beeshiisa la Kulmay.(Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo bilaabay la kulanka Musharaxiinta Madaxweyne ee kasoo horjeeda sida dowlada u qaban qaabineyso doorashada ayaa maanta la kulmay Musharaxii labaad .

Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Xisbiga Gurmad Dr.Cabdinaasir Cabdulle Maxamed waxa ayna ka wada hadleen xallinta tabashooyinka arrimaha doorashada iyo dhowrista xasilloonida dalka.

“Maanta waxaan xafiiskeyga ku qaabilay siyaasiga Cabdinaasir Cabdulle Maxamed oo ka wada hadalnay arrimaha doorashooyinka, nabadgelyada iyo sidii dalka horumarkiisa wadajir loogu sii amba qaadi lahaa, waxaana is dhaafsanay tallooyin wax dhisaya, xafiiskeyguna waa furan yahay cid walba oo tabasho qabta”.

Eng. Rooble ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta in dalka ay ka qabsoomi doonto doorasho ku dhacda waqtigeeda, xukuumaddiisuna ay diyaar u tahay wax walba tabasho ah in wada xaajood lagu dhammeeyo.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad uu Ra’isul Wasaare Rooble la yeesho Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna shalay Rooble la kulmay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sidoo kale ah Musharax.

RW Rooble ayaa labada musharax uu la kulmay kasoo jeeda Beesha uu ku abtirsado ee Habar Giudir, lamana oga in Rooble la kulmi doono musharaxiinta kale ee mucaaradka oo ay kamid yihiin Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo Ra’isul Wasaare Hore Kheyre.