Raisul Wasaare Abiy Oo Baaq Qaraadh Udiray kooxda TPLF Ee Dagaalka ka Wada Itoobiya

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ugu baaqay Kooxda TPLF inay isa soo dhiibaan isagoo ku dooday in xoogagga dowladda ay qarka u saaran yihiin guul inay collaada ka gaaraan isbuuc ka dib markii uu safka hore ee dagaalka iska xaadiriyo.

“Dhallinyaradii Tigray, waxay u daadanayaan sidii caleemihii geedka. Way ogyihiin inaysan guul arki doonin. Waxaa hoggaaminaya mid bilaa hadaf ah,” ayuu yiri Abiy.

Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda sanaddii 2019 ayaa hadalkan ka sheegay fariin laga baahiyay warbaahinta dowladda.

“Waa in aad is dhiibtaan maanta oo isu dhiibtaan ciidammada difaaca qaranka, ciidammada gaarka ah, maleeshiyaadka inala shaqeeya ama shacabkaba” ayuu intaas ku daray

Muuqaalkan soo baxay maanta ayaa ahaa kii ug dambeeyay muuqaallo taxane ah oo uu Abiy ka so dirayay jiidda hore ee dagaalka isagoo ku lebbisan dhar milatari kuna sugan gobolka waqooyi bari ee Afarta.

Milateriga Itoobiya oo gacan siinaya maleeshiyaad maxali ah ayaa ku guuleystay iney guud ahaan degaanka cafarta ka saaraan xoogaga TPLF, sidoo kale waxaa dib looga qabsaday kooxdan magaalooyin ka tirsan gobolka Axmaarada, iyadoo ciidamada Itoobiya sheegeen iney ka baxeen xaaladii isdifaaca ayna wixii hadda ka dambeeya yihiin weerar.