Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan Oo Is-casilay Kadib Mudaharaadyo Gilgilay Beyrut.

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Xasan Diab ayaa is casilay ka dib qarixii dhimashada Badan sababay ee ka dhacay Magaalada Bayruut.

Lix Maalmood Kadib Qaraxii Salaasadii Bayruut ka dhacay, Ra’iisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirada ayaa is casilay.

Ku dhawaaqista Diab ayaa timid ka dib markii afar Wasiir oo ugu muhiimsanaa ay iska casileen xukuumaddiisa.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay in kabadan 160 qof halka 5,000 ay ku dhaawacmeen.