Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Wafdi ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska.(Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay agaasimaha guud ee siyaasadda ee wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Ingiriiska, Richard Moore.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Richard Moore ayaa kulankooda uga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo taageerada Ingiriisku dowladda ka siiyo tababarrada ciidanka iyo qorshaha ciidanka Soomaaliyed ay kula wareegayaan amniga dalka.

Kulanka Ra’iisul Wasare Xasan Cali Khayre iyo Richard Moore waxaa qayb ka ahaa safiirka boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Ben Fender.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka teegeerta tababarrada ciidanka, dhismaha xarumaha tababarrada iyo qorshaha fog ee ciimadama amniga Soomaaliya ay ciidanka AMISOM ugala wareegayaan mas’uuliyadda amniga guud ee dalka.

(Visited 1 times, 1 visits today)

Leave a Reply