Ra’iisul Wasaaraha Oo Booqday Dhaawacyada Ciidamada Ee ku jira Isbitaalka Xoogga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isbitaalka Xoogga ee magaalada Muqdisho ku booqday askar ku soo dhaawacantay dagaallo kala duwan oo dhex maray Alshabaab iyo ciidmaada xoogga dalka.

Khayre ayaa mid mid u salaamay dhamaan bukaanada isagoo sidoo kale ka xog wareystay dhaqaatiirta xaaladda Askarta iyo waxaa iska bedalay caafimaadkooda.

Waxaa uu ALLE uga baryay inuu caafiyo Askarta isagoo ku dhiira geliyay inay dib ugu laaban doonaan furimaha dagaalka isla markaana ay sii wedi doonaan dagaalka lagula jiro Shabaab marka ay dhaawaca ka soo bogsadaan.