R/Wasaare Rooble Oo Gudoomiyay Shirka Dhaqaalaha Dalka.(Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka dhaqaalaha ayaa Xafiiska hantidhowraha guud ee Qaranku ku soo bandhigay xogta dhaqangalka mashaariicda horumarineed ee dalka,halka Wasaaradda qorsheyntuna soo jeedisay nidaamka keydinta mashariicda ee AIMS.

Kulankaan ayaa waxa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo la taliyeyaal.

Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya ayaa dhankeeda soo bandhigtay nidaamka keydinta mashaariicda.

Ra,iisul wasaare ayaa faray dhammaan hay,addaha kala duwan fulinta qorshaha qaranka iyo horumarintiisa.