R/W Rooble Oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ka Socday IGAD

Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa maanta la kulmay guddiga xaqiiqo raadinta ee ka socda Urur Goboleedka IGAD.

Guddiga ayaa dalka u yimid xal u helidda xaaladda ka taagan xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Ashkir ayaa guddiga soo dhaweeyey, kuna amaanay kaalinta uu urur gobeleedka IGAD ka qaadanayo xallinta khilaafaadka gobolka.

Waxaa uu u xaqiijiyey in Xukuumadda Soomaaliya ay go’antahay ilaalinta daris wanaagga isla markaana ay ka rajeynayso dhanka kale dhowrista madaxbanaanida Soomaaliya.