Qoyska Ikraan Tahliil Oo ku Gacan-sayray Natiijada Baarista Maxkamada Ciidamada.

Qoyska Ikraan Tahliil ayaa ku gacan seyray natiijada hordhaca ah ee Maxkamada ciidamada qalabka sida ka soo saartay maqnaanshaha gabadhooda.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan u soo bixin wax caddaymo ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay’adda nabadsugidda NISA, iyagoo dalbaday in cidii heysa xog ku aadan maqnaanshaha Ikraan Tahliil ay u soo gudbiso.

Ikraan Tahliil hooyadeed Qaali Maxamuud Guhaad ayaa hadalka ka soo yeeray xeer ilaaliyaha Maxkamada ku tilmaantay mid la soo dhoodhoobay iyo isku day kale oo la doonayo in kiiska lagu marin habaabiyo.

“Natiijada la sheegayo waa mid qaldan, wax aan u fadhinayna maaha, waa sheeko been abuur ah oo la soo dhoodhoobay, wax aan aqbaleyno iyo wax lagu qanci karo midna maaha” ayey tiri Ikraah tahlii hooyadeed.

Waxay sheegtay in NISA ay baabi’isay dhamaan cadeymihii la xiriiray iney dileen gabadheeda dhowrkii bilood ee la weysanaa raadkeeda, waxayna intaas ku daray in hadalka hadda soo baxay uusan waxba ka duwaneyn waxyaabihii ay horey dowladu u sheegtay.

“Gabadheena anaga iyo inta caqliga u saaxiibka ah waxaan rumeysanahay iney ku maqan tahay gacanta NISA wax taas ka yarna ma aqbaleyno” ayey intaas ku dartay Qaali Max’uud Guhaad.

Waxay intaas ku dartay in xeer Ilaaliyaha Maxkamada ay iyadu u geysatay dacwada gabadheeda balse warka ay soo saareen uu kalsooni daro ku riday, iyadoo xustay iney wax iska bedeleen aaminkii ay ku qabtay Maxkamada.