Qof Looga Shakiyay Covid19 Oo Maanta Lagu Aasay Borama.(Sawiro)

Qof looga shakiyay Caabuqa Coronavirus ayaa maanta lagu aasay magaalada Borama, waxana la arkayay Alle ha u naxariistee maydka marxuunkan oo baabuurkii lagu waday ay hareera saaranyihiin rag qufulan oo u muuqaal eg hawlwadeenada caafimaadka ee la tacaalaya caabuqan coronavirus.

Masuuliyiinta dawlada oo ay suxufiyiintu la xidhiidheen ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan marxuunkan iyo sababaha uu u geeriyooday.

Dhinaca kale ilo wareedyo ka gaabsaday magacooga oo marxuunka ka agg-dhawaa ayaa sheegay in uu u geeriyooday xanuun caadi ah oo dhaqtarka loo dhigay balse aanu ahayn caabuqan covid-19.

Si kastaba ha haatee, marxuunkan ayaa noqonaya kii 2aad ee Awdal ku geeriyooday tuhun-ka ah inuu covid-19 u dhintayna ay geeridiisa hadhaysay, waxana intan dheer maanta in muuqaalka ay bixinayeen raga qufulan maydka sii raacay uu ahaa mid shaki badan ku abuuray dad-waynaha boorama oo gabi ahaanba la’ cid war ka siisa xaalka covid-19 ee magaalada Boorama.

Waxana xusid mudan in warla’aantan cabsida ku abuurtay reer Boorama ay tahay mid ka dhalatay madaxdii la doortay iyo gudidii ka hortaga caabuqan covid-19 ee gobolka oo noqday kuwo u xuubsiibtay ciidan turbataariyo ah oosubax walba u soo kalaha raadcada jaad kootaraan ah, qabashadiisa iyo gubidiisa, taas oo meesha ka saartay hawlahii wacyi galinta caabuqa coronavirus ahaa ee ay bulshadu u baahnayad.