QM Oo Baadhayaal U Diraysa Warshadihii Saliida Sucuudiga Ee La Weeraray.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in khubarado ka socota U.N-ta ay u amba baxeen Sucuudiga si ay badhitaan ugu sameeyaan weerarada xarumaha muhiimka ah ee shidaalka Sacuudiga.

Guterres ayaa u sheegay wariyeyaasha Arbacadii in khubaradan baadhitaanka samaynaysa diritaankooda ay u cuskadeen qaraarkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay kaasoo la meel mariyey sanadkii 2015kii sida ku cadayd heshiiskii Nuclear-ka ee dhex maray Iran iyo quwadaha waaweyn.

Guterres ayaa mar kale dhalleeceeyay weeraradii Sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday warshadaha Saliida ee Sucuudiga, waxana uu weerarkaas ugu yeeray “dhimbiil dagaal ka hurin karta khaliijka” oo ay tahay in laga hortago si degdeg ahna loo joojiyo.

“Dhab ahaantii waxaan ubaahanahay inaan abuurno jawi degan oo wada hadal ku salaysn si looga fogaado isku dhac weyn ama dagaal ka dhaca Khaliijka,” ayuu yidhi Guterres.

Isaga oo hadalka sii wata ayuu intan raaciyay”hada waan aragnay saamaynta deg deg ah ee weerarkaasi ku yeeshay suuqyada saliida, haddii iska hor imaad weyn ama dagaal ka qarxo Khaliijka waxaa ku yeelan karaa gobolka iyo dunida oo dhan cawaaqib xun”

Kuxigeenka af hayeenka UN-ta Farhan Haq ayaa sheegay in khubarada loo diray Sacuudiga ay gacan ka geysanayaan xoojinta ama beenaynta warbixinada hada la hayo isla markaana ay kormeerayaan cunaqabateynta hubka ee saaran Yemen.