Qaraxyo Goor-dhowayd ka Dhacay Muqdisho

Labo qarax ayaa goor dhow Salaadii casir ka dib waxay ka dhaceen meelo ku dhow isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore oo la sheegay in loo adeegsaday Mooto bajaaj ayaa ka dhacay agagaarka Maqaayada Fatxi faraceeda ku yaalla wadada Taleex ee degmada Hodan.

Laamaha amaanka DF ayaa halkaas gaaray waxaana socda Baaritaano, lamana oga weli khasaaraha ka dhashay.

Qarax labaad ayaa daqiiqado ka dib ka dhacay meel aan ka fogeyn isgoyska Km, welina lama hayo faahfaahino ku saansan qaraxyadan oo laga maqlay meelo ka mid ah Muqdisho.