Qarax Xoogan Oo Goor-dhowayd ka Dhacay Wadada Maka Al Mukarama Ee Muqdisho.

Qarax xoogan ayaa goor abaara 8:00 fiidnimo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al mukarama qeybo ka mid ah.

Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay inta badan magaalada ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska xaaji Baasto oo ku dhow gurigii hore ee shaqaalaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey

Khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur ayaa jira sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya goobta uu qaraxaas ka dhacay oo ay xireen ciidamada amaanka.

Waxaa qaraxa ka dib la maqlay rasaas, iyadoo Gaadiidka gurmadka deg deg ah ay halkaas gaareen, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan