Qarax Khasaaro Geystay Oo Lala Eegtay Ciidamada Dowladda Oo ka Dhacay Duleedka Balcad.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in qarax culus lagu la eegtay ciidamada dawlada oo marayay Wadada xiriirisa Magaaloyinka Balcad iyo Jawhar Jimcaha Maanta ah.

Qaraxan ayaa lala beegsaday baabuur ay leeyihiin ciidamada dawladda oo marayey Degaanka Sayga oo Waqooyi ka xiga magaalada Balcad.

Qaraxan ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen dhawr askar ah, waxaana socda gurmad lagu daad guraynayo askarta ku dhaawacantay qaraxaasi.

Maaulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada weli wax faah faahin ah kaa bixin qaraxa khasaaraha geystay ee lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya