Qarax khasaare Geystay Oo Caawa ka Dhacay Boosaaso.

Hal qof ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax ka dhacay meherad ku taalla xaafada Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso.

Qarax oo la aaminsan yahay in uu ahaa nooc gacanta laga tuuray ayaa lala beegsaday meherad qayilaad oo ay fariistaan saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland.

Qaraxa waxaa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamed Baxwal, halka dadka ku dhaawacmay ee hadda lagula tacaalayo isbitaalada Boosaaso uu ka mid yahay Axmed Jaraale oo mar soo noqday taliye ku xigeenka booliska gobolka Bari.

Qaraxa ayaa ku soo aadaya, iyadoo maanta magaalada Boosaaso lagu dilay taliyihii hore ee kaantaroolka Boosaaso, Barkhad Guduudane Buryar.