Qarax ka Dhacay Magaalada Boosaaso.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay magaalada dekedda leh ee Boosaaso, sida ay saraakiisha sheegeen.

Qaraxa ayaa lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidammada amniga ee gobolka Bari, iyada oo wararka laga helay qaraxa ay sheegeen inuu ahaa miinada dhulka la galiyo.

Ciidammada amniga oo goobta gaaray ayaa billaabay baaritaanno, balse ma jirto warbixin ka soo baxday hay’addaha amniga oo looga hadlay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa miino.