Qarax Caawa Fiidkii ka Dhacay Muqdisho.

Qarax ayaa goor dhow oo fiidnimadii caawa ah ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir kaasoo laga maqlay meelo badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu yimid ka duib markii nawaaxiga Suuqa Buulo-xuubey ee degmada Wadajir uu ku qarxay gaari nooca raaxada ah oo ka mid ahaa gaadiid wadada marayey.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu mid lagu soo xiray gaariga oo loogu talo galay in lagu qaarajiyo qofka watay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burbur u geystay gaariga balse uu ka badbaaday qofkii la socday oo la sheegay inuu ahaa nin ganacsade ah oo aan magaciisa la sheegin.

Lama sheegin khasaare kale oo ka dhashay qaraxan, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka oo halkaas ka sameynaya baaritaano.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay hadana qaraxyada noocan ah ayaa looga bartay iney fuliyaan Al-shabaab, waxaana horey loogu qaarajiyey masuuliyiin, saraakiil, weriyeyaal, ganacsato iyo dad kale.