Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In Liiska Argagixisada Aduunka Laga Saaro Sudan.

Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa madaxda Africa ugu baaqay inay talaabo qaadaan lana gaadhay waqtigii dalka Sudan laga saari lahaa liiska dalalka Argagixisada ah ee Aduunka.

Sidan waxa uu sheegay Mr. Guterrs waqti uu hadal ka jeediyay shirka madaxda Midawga Africa eek u shirsan Addis Ababa, waxana uu intan daba dhigay in Qaramada Midoobay ay raadinayo taageero caalami ah oo Sudan u ogolaatay inay wax ka qabo mushkiladaha maxaliga ah ee haysta.

Sudan waxa ay wixii ka dambeeyay markii Al Bashiir xilka laga tuuray la muudaa inay dib u kasbanayso taageeradii caalamka ee ay mudada dheer ka go’doonsanayd.

Madaxda Midawga Africa eek u shirsan Addis Ababa, ayaa waxa ay kulankoodan diirada ku saari doonaan Dadaalo nabadeed oo ay Africa hogaaminayo oo lagu soo afjaro colaada Libya, sidoo kalena waxa ay ka wada hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa kacdoonada hubaysan ee qaarada gudaheeda ka jira ee sii xumaanaya.