Qalbi-dhagax Oo Afar Sano ka Dib Muqdisho Yimid Lana Kulmay RW Rooble(Sawiro)

Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan saraakiisha Jabhada ONLF ayaa afar sano ka dib ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ku soo dhoweeyey garoonka, Wasiiro, ma’suuliyiin kala duwan iyo qeybo ka tirsan bulshada.

Booqashada Qalbi-dhagax uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay iney ka da dambeysay martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay halgamaa Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi dhagax oo sanadkii 2017-kii si sharciga baal marsan loogu gacan galiyay Dowladda Ethiopia.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Qalbi dhagax ka xaalmariyay gaboodfalkii lagula kacay isaga iyo ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii Jannaayo ee sanadkan baa’isay go’aan ay horay u gaareen Golaha Wasiirradu, kaas oo Qalbi dhagax iyo ONLF ku tilmaamay argagixiso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Halgamaa Cabdikariim Sh. Muuse Qalbidhagax huwiyay calanka jamhuuriyadda, guddoonsiiyayna billad, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab istaageen, muwaadinkan Soomaaliyeed ee sida gardarrada ah loogu gacan galiyay dal shisheeye.