Qabiilada Ay kasoo Jeedaan Golaha Wasiirada Cusub Ee Somaliya.(Akhriso)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa galabta ku dhawaaqay xubnaha golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah oo ka kooban 26 wasiir, Wasiir ku xigeeno iyo Wasiiru dowleyaal.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA IYO QABIILADA AY KA SOO KALA JEEDAAN WASIIRADA CUSUB

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen – Beesha Isaaq/Garxajis.

2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta – Beesha Digil iyo Mirifle/Leesaan

3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka – Beesha Hawiye/Murusade/Sabti

4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha – Beesha Hawiye/Habargidir/Sacad

5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda – Beesha Samaroon.

6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga, Beesha Mirifle/ Jiroon

7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga – Beesha Majeerteen/Ciise Maxamuud

8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada – Beesha Reer Aw-Xasan.

9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga – Beesha Hawiye/Baadicadde.

10- Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka- Beesha Daarood / Warsangeli.

11- Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka- Daarood/Leelkase

12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta – Waxa uu kasoo jeeda Beesha Daarood/Dhulbahnte

13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha-Beesha Mirifle/ Eelay.

14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.-Beesha Garre

15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryenta – Beesha Isaaq/Habarjeclo.

16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka – Beesha Shanaad/Yaxar

17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta – Beesha Hawiye/Xawaadle.

18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha – Beesha Daarood/Mareexaan.

19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka- Beesha Digil/Dabare