Q/Midoobay Ee Somaliya Oo Beenisay Warar ay Baahisay Al-Shabaab.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ayaa ka hadlay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo geystay khasaare iskugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay cambaareyneysaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee goor sii horreysay oo maanta ah ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana ay tacsi u direysaa ehelada dadkii ku dhintay weerarkaas, iyadoo u rajeysay kuwa ku dhaawacmay caafimaad degdeg ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada qaraxaas oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey, waxayna intaas ku dartay iney la beegsatay kolonyo ay la socdeen shaqaale caddaan ah oo ka tirsan QM balse xafiiska QM ayaa beeniyey hadalkaas.

“Si ka duwan wararka qaar ee horay u soo baxay, ma jiraan shaqaale Qaramada Midoobay ka tirsan ama qandaraaslayaal ah oo ku jiray kolonyada la beegsaday” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay QM.