Puntland Oo War kasoo Saartay Doorashadii Baarlamaanka Jubaland(Akhriso)

Maamulka Puntland ayaa War ka soo saaray doorashadii gudoonka baarlamanka Jubbaland iyo ku-xigeenadiisa oo manta ka dhacday Magaalada Kismaayo.

War-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa loogu hambalyeeyey Masuuliyiinta loo doortay gudoonka Baarlamanka Jubbaland.

Puntland ayaa Alle uga bariday masuuliyiinta la doortay inuu xilkooda la garab galo, waxayna arintan ku soo aadeysaa xili dowlada Soomaaliya ay ku gacan seyrtay doorashada ka dhacday Kismaayo iyadoo xustay inaan la aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorasho khilaafsan habraaca loogu talo galay..

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland