Puntland Oo soo Rogtay Amaro Hor-leh Oo ku Aadan Covid-19

Puntland ayaa ku dhawaaqday in uu sare u kacay xanuunka Covid-19 gudaha Deegaanadeeda maamulka Puntland, waxaana ay saartay talaabooyin looga hortagayo sidda lagu sheegay Warbixin kasoo baxday Madaxtooyada Puntland.

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada ayaa sidoo kale dib loo dhigey muddo bil ah, waxa bulshada loogu baaqay in la yareeyo kulamado islamarkaana la raaco talooyinka caafimaad ee Wasaarada caafimaadka Puntland.

Dowladdu waxay mamnuucday isu soo-baxyada iyo caweysyada banaanada magaalooyinka loo aado.

War ka soo baxay Guddiga Coronaha ayaa lagu sheegey in Isu-soobaxyo iyo isu imaatinno dadweyne ay sababeen kor u kaca coronaha, waxaana dadweynaha loogu baaqay taxadar.