Puntland Oo Shacabka ka Dalbaday In Laga Taageero Dhaqaale Lagu Saxo Imtixaanka

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay u baahan yihiin in laga caawiyo, sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu saxayo imtixaanaadka dugsiyada sare oo aan wali la saxin.

Wasiirka ayaa xusay in dhaqaale la’aan awgeed ay wasaaradiisu qaban la’adahay howsha lagu saxayo imtixaanka

“Shacab weynaha Puntland iyo waalidiinta aan xitaa carruurtoodu dugsiyada u dhigan, qurba joogta ayaan rabnaa inay ka qayb-qaataan oo xitaa saxaafadaan rabnaa inay ka qayb-qaataan “ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo hadalkiisu uu ka fajaciyey dad badan.

Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in lacagaha imtixaanaadka lagu saxo ay bixin jireen waalidiinta, dowladda Puntland, iyo hay’ado uu sheegay in ay gacan ka siin jireen arrimahaas balse ay waayeen dhaqaalihii ay hay’adaha ka heli jireen.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Puntland ay adduunka la wadaagto dhaqaale xumida soo wajahday, sixid la’aanta imitixaanka ay arrintaas sabab u tahay.

(Visited 5 times, 1 visits today)