Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi oo tixraacaya talo-bixinta Guddiga Xukuumadda u xilsaartay sicir-bararka ayaa ku amray Wasaaradda Maaliyadda Puntland in aan kastamka Dekedda Boosaaso, cashuurta lagu qaadikarin lacagta shillin Soomaaliga.
Ku: Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Og: Xisaabiyaha Guud Ee Puntland
Og: Hanti Dhowrka Guud Ee Puntland
Og: Bangiga Maamulka Puntland
Ujeeddo: Joojin Qabashada Shillin Soomaaliga ee cashuurta Kastamka Dekedda Boosaaso.
Iyadoo laga duulayo talo bixinta Guddiga Dowladdu u xilsaartay sicir-bararka. Laga billaabo 1-da December 2020, waxaa la joojiyey in aan kastamka Dekedda Boosaaso, canshuurta Dowladda lagu qaadi-karin lacagta Shillin Soomaaliga.
Tallaabadaan ayaa waxaa ay kusoo aadeeysaa xilli maalmihii las oo dhaafay sicir barar xaka dollarka ah oo ka taagan yahay Magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo, isla markaana Ganacsatada iyo dadka kale ay cabanayeen.