Puntland Oo Joojisay Dood Uu ka Qeyb-gelayay Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Federaalka.

Maamulka Puntland ayaa joojiyey caawa madal uu ku casuunaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaalka, Maxamed Xassan Cirro oo Garowe ku sugan sida ay sheegtey Idaacadda Daljir oo barnaamijkan qabanaysay.

Wasiiro ka tirsan Puntland ayaa ku sugnaa madasha, markii uu maamulku soo saaray amarka joojinta.

Masuul ka tirsan Idaacada Daljir ayaa ka soo qeyb galayaasha ka raali geliyey baaqashada barnaamijkan oo ahaa mid dood iyo su’aalo weydiin iskugu jiray.

“Waxaa na soo gaaray amar ka soo baxay Puntland oo lagu joojiyey barnaamjkii aan caawa u balansaneyn, maamulku wuxuu u arkay madashan mid lagu faaqidayo siyaasado ka dhan ah Puntland, inkastoo aysan waxba ka jirin arrintaas haddana waan ixtiraameynaa amarka maamulka” ayuu yiri masuul ka tirsan qaban-qaabiyeyaashii dooda.

Ma jiro illaa hadda war ka soo baxay Puntland oo ku saabsan sababta loo joojiyey barnaamijkan iyo waxa ay ku qoonsadeen.