Puntland Oo Hawlgal ku Dishay Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab U Qaabilsanaa Gobolka Mudug

Hawlgal qorshaysan oo ay maanta si wada jir ah uga fuliyeen magaalada Gaalkacyo ciidamada Amniga Puntland iyo ciidanka Danab qaybtooda 21-aad ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in lagu dilay madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Mudug oo ay dabagal ku hayeen ciidamada.

Qoraalka kasoo baxay taliska ciiddanka PSF Puntland ayaa lagu sheegay in ninkaan ka dambeeyey qaraxyo badan oo lagu diley masuuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug, haddana qorshaynayey in uu fuliyo qaraxyo kale.

Ciidanka PSF iyo Danab 21 waxay u mahad-celiyeen shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula shaqaynaya ciidamadooda,iyagoo sheegay inay ka heleen xog muhiim ah.

Puntland ayaa dhowaan sheegtay inay qaadidoonto tilaabo ay ugu aar gudayso dilkii gudoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur Yare, oo bishii May lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo Al-shabaab soo abaabuleen.