Puntland Oo Gacanta kusoo Dhigtay Hub iyo Gaadiid ay Lahaayeen Koox Daacish

Ciidamaa Booliska Puntland oo ka howlgalla Gobolka Bari ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bari,waxaana la sheegay inay kusoo qabteen Xubno ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Hogaminayay Taliyaha Qeybta Boliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in kadib howlgal qaatay 48 Saacadood oo ay ka sameeyeen deegaannada Iskushuban, Toga Jaceyl, Togga canjeel Iyo Dooxa Gabin,isla markaana ay ku qabteen Dagaalyahano ka tirsan Daacish.

Waxaa uu hadalkiisa intasi uu ku daray taliyaha in howlgalka ay sidoo kale ku qabteen Hub iyo Gaadiid farabadan oo ay wateen Xubnaha ka tirsan Daacish haatana ay gacanta ku hayaan Cidiamada Booliska Puntland.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa mararka qaar ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegtaan Al-Shabaab iyo Daacish.