Orodyahan Ethiopian ah Oo ku Guulaysatay koobka Adduunka Ee Oradka Maaratoon-ka

Tamirat Tola oo Ethiopian ah ayaa ku guuleystey bilada dahabka ee orodka marathon-ka ragga ee tartanka ciyaaraha fudud ee aduunka ee ka socda Maraykanka.

Waxa uu khadka kaga gudbay laba saacadood iyo shan daqiiqo iyo 37 ilbiriqsi. Mosinet Geremew oo ay isku dalka yihiin Tola ayaa kaalinta labaad galay, waxaana kaalinta saddexaad galay Bashiir Cabdi oo u dhashay Belgium.

Itoobiya ayaa hadda haysata laba dahab ka dib markii Letesenbet Gidey ay ku guulaysatay orodka 10,000 ee mitir ee dumarka. Hellen Obiri oo u dhalatay Kenya iyo Margaret Kipkemboi ayaa kala qaatay qalin iyo maar.

(Visited 2 times, 1 visits today)