Odayaasha Cadaado Oo kasoo Horjeestay Go’aankii Xalay kasoo Baxay RW Khayre.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Caddaado ayaa qaadacay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya uu xalay shaaciyey in lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Caddaado ayay odayaasha dhaqanka waxay si cad u sheegeen inay ka horjeedaan warkii kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Kheyre ee saabsanaa in shirka dib u-heshiisiinta iyo doorashada Galmudug ay ka dhici doonaan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo ku eedeeyay inuu uga baxay ballan ay lahaayeen.

Odoyaasha waxay ku doodeen inuu Ra’iisal wasaare ku ballan-furay uuna iskiis u go’aansaday inuu dhammaan awoodihii Galmudug u rarro magaalada Dhuusamareeb, taasina ay meesha ka saareyso dhismaha Galmudug mideysan.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii uu Ra’iisal wasaare Kheyre shaaciyey in Magaalada Dhuusamareeb ay taallo gogosha dibu heshiisiinta Galmudug iyo Doorashada, kadib markii maamulka Ahlu sunna ogolaaday inay magaalada ka howlgalaan ciidamada dowladda Somalia.

Waxyaabaha la dagay dhismaha Maamul loo dhan dhan yahay oo ay yeelato Galmudug ayaa waxaa ka mid ah loolan iyo xifaaltan joogto ah u dhexeeya beelaha dega magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Leave a Reply