Nin Uu Maraykanku Malaayiin Dollar Dul Dhigay Madaxiisa Oo Maanta Lagu Qabtay Iraq.(Sawiro)

Ciidamada ammaanka dalka Ciraaq ayaa gacanta ku dhigay Sami Jasim, oo ah xubin sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka.

Ninkan ayaa mar ahaa ku-xigeenka hoggaamiyihii hore ee kooxda, Abu Bakar Al- Baghdadi, oo ay labo sano ka hor dileen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq, Mustafa al- Kadhimi, ayaa sheegay in ninkaas uu yahay madaxa maaliyadda ee IS, laguna soo qabtay howlgal adag oo laga fuliyay bannaanka Ciraaq.

Mareykanka ayaa sanadkii 2015-kii madaxa Jaism dul dhigay shan milyan oo doollar. Inkastoo IS laga saaray dalkaas sanadkii 2017-kii haddana waxay sii wadday inay weerarro joogto ah ku qaaddo Ciraaq.