Nin Somali ah Oo Iska Dhigay Gabar Uu Baasaborkeeda kaga Dhoofayay Ankara Oo la Qabtay.(Sawiro)

Ciidamada amaanka ee ka howlgala garoonka diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo iska soo dhagey haweeney xili uu ka dhoofayay garoonka.

Ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Ibrahim M. ayaa lagu qabtay garoonka diyaardaha Esenboğa ee magaalada Ankara, isaga oo kusii jeeda dalka UK.

Ibrahim ayaa watay kaarka deganaashaha iyo warqadaha safarka (Baasaboorka yar) ee Khadija H., markii la qabtay isaga oo doonaya inuu raaco diyaarad u socotay magaalada London.

Waxa uu u labisnaa sida dumarka isaga oo wata goono dheer, kootka gabdhaha iyo qamaar, islamarkaana soo marsaday walxaha dumar isku qurxiyaan (make up).

Ibraahim ayaa sidoo kale u muuqaal eg gabadha lagu magacaabo Khadija ee uu baasaboorkeeda ku safrayey.

Booliska ayaa ka shakiyey Ibrahim markii ay ka yaabeen walxaha la isku qurxiyo ee tirada badan ee wejiga soo marsaday.

Saraakiisha booliska ayaa kadib dib ugu laabtay muuqaallada kaamirooyinka garoonka, waxayna heleen Khadija oo baasaboorka ku siineysa Ibrahim gudaha garoona.

Sida ay ku warameen Warbaahinta Turkiga ninkan Soomaaliga ah ayaa laga shakiyay markii la qabtay, waxaana lagu amray in uu qamaarka iska qaado sidoo kale iska tiro Make Up Wajiga u marsabnaa. kadibna sidaas ayaa lagu ogaaday.

Laamaha amaanka ayaa sidoo kale soo xiray gabadha Paasaboorka laheyd oo magaciisa lagu sheegay Khadiija xili ay dooneysay in ay ka baxdo garoonka, waxaana labadan ruux ku jiraan xabsi kuyaala Ankra iyadoona booliiska baaritanao ku hayaan kiiskooda.