Nin Lagu Eedeeyay Inuu Gubay Xarunta Baarlamaan South Africa Oo Maxkamad lasoo Taagay

Dacwad oogayaasha dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in nin loo soo qabtay in uu gubayay baarlamaanka dalka Koonfur Afrika, waxaana lagu soo qabtay walxaha qarxa, sidoo kale waxa uu ka dhacay Laptop-yo iyo Maacuun.

Zandile Christmas Mafe, oo 49 jir ah, ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taal Cape Town, markii ugu horeysay tan iyo markii la xiray, isagoo lagu eedeeyay eedeymo fara badan.

Qareenka Mr Mafe ayaa sheegay in uu yahay “Nin faqiir ah”, wuxuuna diiday dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay.

Dabkii Axaddii ayaa gebi ahaanba baabi’iyay Golaha Qaranka, ama aqalka hoose, wuxuuna si xun u waxyeeleeyay qaybaha kale ee dhismaha taariikhiga ah.

Ma jirto cid wax ku noqotay dabkaasi balse waxa uu noqday mid argagax ku abuuray shacabka.

Mr Mafe ayaa ah qofka kaliya ee loo xiray dabkan.