Nin Hubeysan Oo Qudus Dil Iyo Dhaawac Ugu Geystay Dad Yuhuud ah.(Sawiro)

Nin hubaysan oo falastiini ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa magaalada Qudus ku dilay hal qof oo rayid ah saddex kalena ku dhaawacay.

Ciidamada ammaanka ee Israa’iil ayaa markii dambe toogtay ninka weerarka gaystay oo qiyaastii 42 jir ahaa asagoo markii dambena Isbitaalka ku geeriyooday.

Wasiirka aminga Israa’iil ayaa weerarka ku tilmaamay mid si wacan loo soo qorsheeyey, iyadoo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan weerarro kale oo suurtagal ah in ay halkaa ka dhacaan. about:blank

Ururka xamaas ayaa xaqiijiyey in ninka weerarka qaaday oo lagu magacaabi jiray Fadi Abu khaydam uu ahaa xubin ka tirsan garabkooda siyaadadda.