Nin 22 Sano ka Hor ka Qayb-galay Kufsi Wadareed Oo Maanta la Xiray(Sawirro)

Booliska Hindiya ayaa qabtay nin isku dayay kufsi wadareed la geystay 1999-kii. Wuxuu baxsad ahaa muddo ka badan labaatan sano.

Markii ay toddobaadkii hore booliska isku dayeen inay tagaan guriga Bibekananda Biswal oo ku yaalla Galbeedka gobolka Maharashtra, waxay sheegeen inuu isku dayay inuu baxsado.

“Waxa uu arkay kooxda oo ku soo wajahan, wuxuuna isku dayay inuu baxsado. Markii la soo qabtay, wuxuu u sheegay, ‘halkan iga kaxeeya, wax walba waan isdiin sheegi doonaa’,” waxaa sidaasi sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Sudhanshu Sarangi.

Bibekananda Biswal waxa uu ka mid ahaa 3 nin oo lagu soo eedeeyay kufsi ay u geysteen haweeney 29 jir ahayd sanaddii 1999-kii. Waa uu beeniayay eedeymahaasi isaga ka dhanka ah.

Labada nin ee kale oo lagu kala magacaabo Pradeep Kumar Sahu iyo Dhirendra Mohanty ayaa la xiray laguna xukumay xabsi daa’in. Sahu xabsiga ayuu sannadkii hore ku geeriyooday.

in