Muuse Biixi Oo la Ogaaday Inuu Xil U Magacaabay Dhawaan Seedigii Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye.

Madaxwaynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo maanta magacaabay guddida qaban qaabada shirweynaha 4aad ee xisbiga Kulmiye ayaa ku daray xubno ay qoys ahaan isku dhaw yihiin.

Muuse Biixi ayaa seedigii Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye u magacaabay inuu ka mid noqdo xubnaha guddida qaban qaabada shirweynaha xisbiga Kulmiye oo la filayo inuu dhawaan qabsoomo.

Maxamed Cabdilaahi Cabsiiye oo ka soo jeed gobolka Saaxil gaar ahaan degmada Sheekh ayey walaalo yihiin marwada weyn ee hogaamiye Muuse Biixi.

Maaha markii ugu horaysay ee uu Muuse Biixi xil u magacaabo xubno ay qoys ahaan isku dhaw yihiin balse waxa hore u jirtay inuu xilal kala duwan u magacaabay masuuliyiin hore oo ay qaraabo dhaw yihiin.