Musharax Xabsiga ku Jira Oo Wareegii Ugu Denbeeyay ka Gaaray Doorashada Madaxweyne Ee ka Socota Tunisia.

Musharraxa kaliya eel eh xirfada warbaahinta ayaa doorashada madaxtinimo ee dalka Tunisia ka gaaray wareegii ugu dambeeyay isaga oo ku jiro xabsi, waxaana lagu soo oogay dacwado la xiriira isdaba marin lacageed ah iyo musuq maasuq dhanka canshuur bixinta ah.

Nabil Karoui oo 56 jir ah ayaanan loo ogoleyn inuu codeeyo balse waxaa uu gaaray wareeggii ugu dambeeyay ee doorashada la filayo inay Tunisia ka dhacdo bisha dambe, waxana uu ku guuldareystay racfaan uu ka qaatay maxkamada.

xabsiga la dhigay bishii lasoo dhaafay ayaan weliggiis xil siyaasadeed ka qaban dalka Tunisia, balse waxaa uu kusoo shaacbaxay barnaamij tabarucaad ah oo uu kula dagaalamayo macluusha, ka jirta dalkaasi, kaasoo kamid ahaa ololihiisa doorashada.

Sidoo kale Dadka dhaleeceeya siyaasaddiisa, waxay ku eedeeyeen in barnaamijkaas iyo telefiishiinkiisa uu ku fulinayay ololihiisa siyaasadeed.

Sikastaba ha ahaatee siyaasi wariye Nabil Karoui, ayaa horraantii bishan bilaabay inuu cuntada ka soomo si uu xoriyaddiisa dib u helo, iyadoo qareenkiisa Kamel Bin Mascuud uu sheegay in go’aanka ay si weyn uga hor imanaayaan isla markaasna ay dadaal u galayaan sidii loo sii deyn lahaa Nabil.