Musharax Biden Ee Madaxwaynaha Maraykanka Oo Haweenay Madaw U Doortay Kuxigeenkiisa.

Musharraxa madaxtinnimada ee xisbiga dimuqraaddiga Joe Biden ayaa u magacaabay Senator Kamala Harris inay noqoto kuxigeenkiisa. Waa haweenaydii ugu horraysay ee madaw ah ee booskan qabata, haddii la doorto.

Tan iyo intii la sadaalinayey cidda jagadan qaban doonta, ayaa senataraddan laga soo doorto California ayaa waxaa muddadaasiba loo arkaayey in ay tahay qofka ugu cadcad booskan.

Mr Biden ayaa wajihi doona Madaxweyne Donald Trump doorashada la filayo inay dhacdo 3 November.