Muqdisho:-Hayada Sirdoonka Ee Nisa Oo Diyaarad kusoo Galbisay Sargaal kasoo Goostay Alshabaab.

Waxaa goor dhow diyaarad lagu keenay magaalada Muqdisho Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kaasoo isku soo dhoobay Taliska Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Cabdi (Mukhtaar Ganeey), waxaa uu ka mid ahaa qeybta Jabhadaha Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay barta Twitterka ee NISA ayaa lagu sheegay in Mukhtaar Ganeey uu muddo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu NISA ka dalbaday inay u sahasho sidii uu Al-Shabaab uga soo goosan lahaa.

Sarkaalkan ayaa ka soo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool, waxaana saakay diyaarad looga soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo la geeyay mid ka mid ah xeryaha ay maamusho NISA.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay Saraakiil ka soo goosanayay Al-Shabaab, kuwaasoo isu soo dhiibay Taliska NISA, waxaana tani loo arkaa xeelad cusub oo NISA u adeegsaneyso la dagaalanka Al-Shabaab.

Leave a Reply